Dowladda Soomaaliya oo si weyn usoo dhaweysay War-murtiyeedkii kasoo baxay Waddamada G7
War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa lagu soo dhaweeyay war murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7 ee ku qabsoomay Jasiiradda Capri ee dalka Talyaaniga
Dowladda Soomaaluya ayaa ku ammaantay sida ay uga go’an tahay G7 horumarinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka geeska Afrika, waxa ay sidoo kale dowladda sheegtay in ay ku howlan tahay iskaashiga kala dhaxeeya G7.
Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ayaa walaac ka muujiyay Heshiiska beenaadka sharci darada ah ee la sheegay inuu dhexmaray Itoobiya iyo Maamulka Gobalada Waqooyi oo qayb ka ah Soomaaliya bishii Janaayo ee sanadkaan.
Wadamada G7 ayaa ku adkaystay in la ilaaliyo sharciyada Caalamiga ah Madaxbaaanida iyo Qaranimada ee ku cad cahdiga Qaramada Midoobay.
Dhanka kale Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaalia Cali Balcad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhowaynayso sida ay G7 uga go’antahay nabadda geeska Afrika iyo taageeradooda ku aadan taageerada argagixisada iyo ilaalinta sharciyada caalamiga ah kuwaas oo muhiim u ah nabada iyo xasiloonida ee geeska Afrika.
Sidoo kale waxay ku dhiiragaliyeen dowladda Soomaaliya inay sii wado oo ay sii laba jibaarto ka guul gaarirada dagaalka socda ee ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo dhanka kale wasiiradu ay soo dhoweeyeen qorshayaasha ay wadaan dowladda Soomaaliya iyo midowga Afrika ee ku aadan hormarinta qorshaha dowladdu ay kula wareegayso ammaanka wadanka.