Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Dowladda Talyaaniga oo ku dhawaaqday go’aan farxad galinaya Ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u aada dalkaas

Dowladda Talyaaniga oo ku dhawaaqday go’aan farxad galinaya Ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u aada dalkaas

Dowladda Talyaaniga ayaa shaaca ka qaadday in ay dalkeeda u furtay Ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u aada dalkaas, kuwaas oo u sahashay in warqadda dalka ku galka ee loo yaqaan Fiisaha ay ka dalban karaan safaaradda Muqdisho.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Safaaradda dowladda Talyaaniga ee Muqdisho ayaa lagu sheegay, “Hadda waxaa suurtogal ah in si toos ah safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho looga codsado fiisaha gelitaanka koorsooyinka tacliinta sare ee sanad dugsiyeedka 2024/2025.”

Warkaan ka soo baxay Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho ayaa lagu baahiyey barta Twitter-ka ee hadda loo yaqaan X, waxaana lagu xusay in fursaddaan oo kaliya ay u furan tahay ardayda fursadaha waxbarasho ka helay Jaamacadaha dalka Talyaaniga.

Go’aankaan ka soo baxay dowladda Talyaaniga ayaa meesha ka saaraya dhibka ay ardayda Soomaaliyeed ku qabi jireen warqadda dal ku galka, kuwaas oo horay u aadi jireen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyaga oo halkaas ku mari jiri wareysiyo daaran u jeedka safarkooda.