Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Xildhibaan hore oo lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Xildhibaan hore oo lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Shibis ee gobolka Banaadir. ku dilay nin la sheegay in uu horey usoo noqday xildhibaan katirsan Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in rag hubeysan rasaas la dhaceen Cali Cumar Gaab oo la sheegay in horey xildhibaan uga soo noqday maamulka Koonfur Galbeed, dilka kaddib ayaana la sheegay in goobta si deg deg ah uga baxsadeen raggii dilka geestay.

Ciidamo katirsan laamaha ammaanka dowladda ayaa gaaray goobta dilka ka dhacay , ciidamada ayaana halkaasi ka sameeyay howlgalo baaritaanno ah, lamana soo sheegin cid ay ciidamada ammaanka usoo qabteen falkan dilka ah.

War kasoo baxay kooxda Al Shabaab laguna baahiyay baraha internetka ay leeyihiin ayey ku qirteen in iyagu ka dambeeyeen dilka Cali Cumar Gaab, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in ninkan soo noqday xildhibaan katirsan Koonfur Galbeed.