Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Maxkamadda CQS oo la wareegtay kiis musuqmaasuq ah oo ka dhex dhacay ciidanka Danab

Maxkamadda CQS oo la wareegtay kiis musuqmaasuq ah oo ka dhex dhacay ciidanka Danab

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa la wareegtay kiis musuqmaasuq ah, kaas oo ku saabsanaa leexsashada deeq raashin ah oo loogu talagalay ciidamada Danab oo ah ciidamo si gaar ah u tababaran, kuwaas oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac ayaa faah faahin ka bixiyay fadeexadan, isagoo iftiimiyay heerka uu gaarsiisan yahay musuq maasuqa ka dhex jira taliska ciidamada Danab.

Wasiir Cabduqaadir ayaa xaqiijiyay in falkaan uu dhacay ​​labo todobaad ka hor markii qeyb ka mid ah raashiinkii loogu tala galay ciidamada Danab si sharci daro ah loo leexiyay kadibna lagu kala iibsanayay suuqyada waaweyn ee magaalada Muqdisho. Wuxuu qiray in saraakiisha sare ee ciidamada ay ku lug leeyihiin falkaan sharci darrada ah, wuxuuna caddeeyay in tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Waxaa kale oo uu ka hadlay tallaabada uu qaaday Mareykanka, isaga oo sheegay inay isla garteen in hadda kadib dowladda federaalka ay la wareegto raashinka ciidanka Danab, balse waxa uu tilmaamay in howlihii kale, sida shidaalka iyo taageerada uu sii wadi doono Mareykanka.

Dhankeeda dowladd Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u qiimeyn doonto xiriirka iyo iskaashiga kala dhaxeeya ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ee Danab, kuwaas oo ay tababarto kadib fadeexad musuq-maasuq oo kusoo baxday.

Baaritaanka iyo dacwadaha sharciga ah ee la xiriira kiiska musuq maasuqa ayaa hadda loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. Wasiir Cabdulqaadir ayaa carabka ku dhuftay sida ay dowladda uga go’an tahay la dagaalanka musuq-maasuqa iyo xaqiijinta daacadnimada ciidamada qalabka sida.