Muhiimadda maalgashiga Soomaaliya.
Shirweynihii Maalgashiga Soomaaliya iyo Bandhig Carweedka ee lagu soo gebagebeeyey Muqdisho 25-kii April 2024.
Shirkan ayaa inta uu socday ayaa waxaa lagu gorfeeyay doodo wax ku ool ahaa oo ku saabsanaa iskaashiga dhaqaalaha gobolka, horumarinta warshadaha, maalgashiga qeybaha kaluumeysiga, iyo caafimaadka iyo kaalinta bangiyada ee fududeynta ganacsiga iyo maalgashiya.
Shirka waxaa garab socday bandhig carweed aad u xiiso badnaa oo lagu soo bandhigay wax-soosaarka dalka, adeegyada ay bixiyaan bangiyada iyo shirkadaha isgaarsiinta, duulimaadka, farshaxanka iyo teknooloojiyadda oo lasso shir tageen shirkado isugu jiray Soomaali iyo shisheeye intaba.
Guud ahaan shirka ayaa ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan, iyadoo ka qeybgalayaasha ay cod dheer ku sheegeen in Soomaaliya ay diyaar u tahay ganacsi iyo maalgashi.