Shir madaxeedka Ururka Islaamka oo taageeray Qarannimada Soomaaliya iyo dagaalka
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qeybgalay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ay ugu gogol-xaarayaan Meertada 15aad ee Shir madaxeedka Islaamka oo ay martigelinayso Caasimadda Gambia ee Banjul, waxaana kulanka heer Wasiir uu socday intii u dhexeysay 2-3 May, isaga oo huwan hal-ku-dhigga (Xoojinta midnimada iyo is-garab-taagga, iyadoo loo marayo wadahadal ku suntan horumar waara).
Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa hoggaaminaya Wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalaya shirka oo qabsoomay shalay oo Khamiis ahayd iyo maanta oo Jimce ah, waxaana looga dooday warbixinta iyo war-murtiyeedka shir-madaxeedka ka soo bixi doona oo ay isla oggolaan doonaan hoggaamiyeyaasha iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah Ururka.
Shir-madaxeedka la filayo inuu furmo beri oo Sabti ah ayaa looga hadli doonaa arrimaha siyaasadda ee saamaynta ku leh dunida islaamka si gaar ah arrinta Falastiin.
Hoggaamiyeyaasha wadamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, waxa ay mudnaanta siin doonaan arrimaha dhaqaalaha, bani’aadannimada, bulshada iyo dhaqanka, si gaar ah arrimaha ku qotoma dhalinyarada, haweenka, qoyska, culuumta, tiknoolojiyadda, warfaafinta iyo bulshooyinka muslimka ah.
Ajandaha shirka waxaa sidoo kale lagu soo hadal-qaadi doonaa diididda hadallada nacaybka, islaam nacaybka, kor u qaadidda wadahadalka iyo sidoo kale arrimaha isbeddelka cimilada iyo sugnaanta cuntada.