Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ciidamada Jubbaland oo la wareegay deegaano ku yaalla gobolka GEDO

Ciidamada Jubbaland oo la wareegay deegaano ku yaalla gobolka GEDO

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Jubbaland ay qaadeen howlgallo ka dhan Al-Shabaabka ku sugan gobolkaasi.

Ciidamada ayaa isku fudiyay deegaano u dhexeeya degmooyinka Doolow iyo Luuq, halkaas oo laga saaray Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha Jubbaland.

Sidoo kale saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday inay howlgalladan ku dileen ugu yaraan 3 ka tirsanaa Al-Shabaab, ayna ku dhaawaceen 6 kale.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

Xaaladd ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya qaybo badan oo kamid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.