Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Milatariga Soomaaliya oo gacanta ku dhigay shidaal loo waday Al Shabaab

Milatariga Soomaaliya oo gacanta ku dhigay shidaal loo waday Al Shabaab

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya , gaar ahaan kuwa kumaandooska ee Danab iyo Gorgor ayaa gacanta ku dhigay shidaal la sheegay in loo waday Al Shabaab ee ku sugan deegaanno katirsan gobolka Mudug .

Howlgal ay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ka sameeyeen duleedka degmada Xarardheere ayey ciidamada ku qabteen 150 jirgan oo shidaal ah, waxaana shidaalkan la sheegay in halkaasi ka dejisay doon si qarsoodi ah loo soo saaray.

Ciidanka dowladda ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay labo nin oo lagu eedeeyay in ay wadeen shidaalkan looga shakisan yahay in loo waday Al Shabaab ee dagaalka kula jirta ciidanka dowladda.

Al Shabaab ayaana hub , shidaal iyo saanado kalaba kala degta dhulka xeebta ee kuyaalla xadka ay wadaagaan degmooyinka Xarradheere iyo Ceeldheer ee ka kala tirsan gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa go’doomisay degmooyinka iyo deegaannada ay ka taliyaan Al Shabaab, waxa ayna dowladda mamnuucday in Al Shabaab loo geeyo shidaal, daawo iyo saanadaha kale ay u baahan yihiin.