Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Axmed Ciise Cawad oo sheegay in go’aan lagu degdegay in dowladdu codsato in la joojiyo shaqada UNSOM

Axmed Ciise Cawad oo sheegay in go’aan lagu degdegay in dowladdu codsato in la joojiyo shaqada UNSOM

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in lagu degdegay go’aanka ay Soomaaliya ku codsatay in aan dib loosoo cusboonaysiin waajibaadka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Axmed Ciise Cawad oo la hadlayay SMS tv Somalia  ayaa aaminsan in aan weli laga maarmi karin shaqada uu xafiiska UNSOM u hayo dowladnimada Soomaaliya, isagoo tilmaamay hay’adaha dowladda Soomaaliya, inay u baahan yihiin gacan qabasho.

Ambassador Axmed Ciise wuxuu sheegay Golaha Ammaanka inay u badan tahay in aanay taageeri doonin go’aanka dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dalka Somalia uu ku laaban karo halkii marka hore somali looga soo gurmaday