Toni Kroos oo 10 sano kaddib lagu macsalaameeyay Garoonka Santiago Bernabeu ee Kooxda Real Madrid
Xiddiga u dhashay Dalka Jarmalka ee Khadka Dhexe maamula waa Toni Kroos ayaa xalay Garoonka kubadda Cagta ee Santiago Bernabéu ku dheelay kulankiisii ugu dambeeyay ee naadiga Real Madrid ku dheesho garoonkaas.
Toni ayaa dhowaan ku dhawaaqay in uu waayihiisa kubadda cagta kusoo afmeerayo ciyaaraha Yuro (Euro 2024) oo sanadkaan Dalkiisa martigelinaya waxaana uu halkaas ku macsalaamayn doonnaa waayihiisa kubadda Cagta.
Kroos waxa uu sabtida todobaadka soo socda oo ah 1da Juun ciyaari doonnaa kulankiisii ugu dambeeyay ee horyaalka Qaaradda Yurub ee EUFA CHAMPIONS LEUGE maadaama ciyaarta kama dambaysta ah naadigiisa wajahayo Borussia Dortmund.
Inkasta oo aanay kooxdiisa guul xalay gaarin balse horay ayay u hanatay koobka Laliga waxaana la wada arkayay macallimiinta, maamulka, ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxda Real Madrid oo ilmaynaya sabab la xiriirta in waaya-araggaan uu macsalaameeyay.
Toni Kroos waa 34 jir, waxa uu ku guulaystay Koobkii Adduunka sanadkii 2014kii lagu qabtay Dalka Brazil, dhowr koob oo Laliga ah, Champions League, Super Cup-ka Yurub, kan Spain, koobka boqorka ee Delary, kan naadiga Adduunka & kuwo kale.
Macallinka Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa Toni Kroos ku tilmaamay in uu kamid ahaa Xididada Kooxda isla markaana mas’uuliyad wayn iska saaray isku xirka qaybta hore ee weerarka iyo dhinaca dambe ee daafacyada.