Maamulka Puntland oo si adag u beeniyay war kasoo baxay dowladda Soomaaliya
Dowlad goboleedka Puntland ayaa si adag uga horyimid war kasoo baxay dowladda fedderaalka Soomaaliya oo ku saabsanaa in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay howlgal ka dhan ah Alshabaab ka fuliyeen degaanada Calmadow ee gobolka Sanaag.
War saxaafadeed maanta kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee Puntland ayaa lagu sheegay, in warkaasi uu yahay mid wax kama jiraan ah, iyadoo wasaaraddu tilmaamtay, in ay Puntland amnigeeda ku filan tahay.
Waxaa kaloo wasaaradda warfaafinta Puntland ay sheegtay inay Puntland u taagan tahay ciribtirka kooxaha argigixisada.
Puntland ayaa beenisay sheegashada dowladda ee fulinta howlgalkaasi, waxaana war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta maamulkaasi lagu sheegay in uusan jirin howlgal ay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen deegaanada Puntland.
Puntland ayaa ku dooday in amnigeeda ay ku filan tahay, isla markaana deegaanadeeda aysan joojin ciidan ka tirsan dowladda dhexe.
Dowladda dhexe iyo Puntland ayaa waxaa horay uga dhexeeyay khilaaf siyaasadeed oo saameeyay wada shaqeynta labada dhinac, ayada oo gebi ahaan uu go’an xiriirkooda.
