Dhaqaatiirta Gaza oo walaac ka muujiyay daryeel xumada haysata Haweenka & Carruurta ku nool Magaaladaas.
Dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitaallada ku yaalla Magaalada Gaza ayaa warbixin ay soosaareen waxa ay ku muujiyeen walaac la xiriira xaaladaha adag ay wajahayaan Haweenka uurka leh iyo carruurta nafaqo darrada haysata ee ku nool Magaaladaas.
Bayaanka Dhaqaatiirta ayaa lagu muujiyay in nafaqo darrada ay ka dhalatay cunno la’aanta ka jirta Magaalada Gaza maadaama ay go’doon xooggan ay geliyeen ciidanka Israaiil isla markaana maalin iyo habeen si joogta ah u duqeeya.
Waxa ay soosaareen digniin xooggan oo ku saabsan in loo istaago kahor inta aanay xaaladdu kasii darin heerka maanta ay joogto waa sida ay hadalka u dhigeen dhaqaatiirta ka howlgasha Magaalada Gaza.
Goobihii Caafimaadka ee adeegyada ay u baahan yihiin Dadkaan ka heli lahaayeen waxaa burburiyay oo beegsaday ciidanka Israaiil, taasi waxa ay culays horleh ku noqotay daryeelkii looga fadhiyay in ay bixiyaan dhaqaatiirtaan.
Warbixinnada dhinaca Hay’adaha Caafimaadka iyo Wakiilladooda kasoo baxaya ayaa muujinaya halis u baahan in laga hortago haddii kalena dad u badan carruur ay u geeriyoon doonaan nafaqo darro halka Haweenka uurka lehna ay halis kale wajihi doonaan.