Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa degmada Cadaado kaga qayb galay xuska maalinta deegaanka Adduunka.
Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa degmada Cadaado kaga qayb galay xuska maalinta deegaanka Adduunka.
Sidoo kale waxaa munaasabadda ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimillada ee DFS, mudanayaal ka tirsan baarlamaanka DFS iyo mudanayaal ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug.
Munaasabaddan ayaa lagu qabtay beer weyn oo laga hirgaliyay Degmada Cadaado taasoo oo uu isla maanta xarigga ka jaray Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyadoo sidoo kale uu dhagax dhigay ceel biyood oo ay Dowladda Galmudug ugu deeqday beerta.