Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Faahfaahino laga helayo rag kalumeysato ah oo muddo la la’aa oo laga helay Jasiirada Maldives.

Faahfaahino laga helayo rag kalumeysato ah oo muddo la la’aa oo laga helay Jasiirada Maldives.

Saddex nin oo Kalluumaysto Soomaali ah, oo saddex bilood ka hor ka soo lumay xeebaha magaalada Muqdisho ayaa maanta laga helay Jasiirada Maldives.

Saddex nin ee Kaluumaystada ah oo Laash ay ku Kalluumaysanayeen ka raacay xeebta Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo warramayaa in ay Baddu ku kacday isla markaana ay jihadii ka lumisay.

Dawladda Soomaaliya iyo dhiggeeda Maldives ayaa hadda ka wada  shaqaynaya sidii saddexda nin loogu soo celin lahaa magaalada Muqdisho oo ah bartii ay dabayluhu ka soo qaadeen.

Maldives iyo Soomaaliya waxay isu jiraan masaafo ka badan 3 kun oo KM oo dhinaca Badda ah.