Doorashada DG Puntland ee Berri ka dhacaysa Garoowe, Dangorayo & Godobjiiraan
Guddiga Doorashooyinka u qaabilsan Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyay qaabka ay u dhacayso Doorashada berri la filayo in ay ka dhacdo Saddex Magaalo oo kala ah: Garoowe, Dangorayo & Godobjiiraan.
Ku simaha Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dowlad-Goboleedka Puntland Axmed Maxamuud Cumar oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in heegin la geliyay ciidamada ammaanka si ay u ilaaliyaan xasiloonida goobaha codbixinta.
Axmed Maxamuud ayaa Dadka codeynaya ku wargeliyay in ay raacaan nidaamka loogu talagalay ee Doorashada laguna tababaray si qof weliba codkiisa uu u helo Xisbiga uu dooranayo sida uu hadalka u dhigay.
Taageereyaasha Xisbiyada ayuu ka codsaday in ay is dejiyaan isla markaana Doorashada u galaan sida waafaqsan nidaamka loogu talagalay wixii cabasha ahna ka guddi ahaan diyaar u yihiin in ay xaliyaan sida uu yiri.
Dhanka kale, Guddiga Doorashooyinka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegay in xogta hoose ee muujineysa Dadka codeynaya ee kaararka qaatay kuwaas oo tirada ugu badan ka codeyn doonaya Magaalada Garoowe.
Tirada Dadka ka codeynaya Xarunta Dowlad-Goboleedka Puntland ee Garoowe waa 49,801 ruux, Dangoronyo 10,827 qof & Godobjiiraan oo ay ka codeyn doonayaan Dad gaaraya 3,021 ruux sida lagu muujiyay jaan-tuska Guddiga Doorashoooyinka Dowlad-Goboleedkaas.