Dimoqraadiyiinta oo wada taageeray Kamala Harris
Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris, ayaa Isniinti shalay si degdeg ah u dhaqaajisay tallaabooyinka ugu horreeya ee ololaheeda doorashada, si ay u caddeyso in ay tahay musharaxa ugu cadcad musharaxnimada xilka madaxweynenimada ee xisbiga Dimuqraadiga.
Harris, ayaa shalay oo kaliyah ururisay tobanaan milyan oo doolar oo ay ugu yabooheen deeq-bixiyaasha dimoqraadiga, iyada oo taageero ballaaranna ka heshay madaxda ugu sarreeya xisbiga Dimoqraadiga.
Maanta oo Talaada ah ayaana lagu wadaa in ay si rassmi ah olalaheeda doorashada uga billowdo magaalada Miluaki ee gobolka Wisconsin.
Waa ololahii ugu ballaaranaa ee taariikhda uu sameeyo madaxweynahu iyadoo in ka badan 888,000 oo qof oo deeq-bixiyeyaal ah ay ku tabaruceen wax ka yar 200 oo doollar maalintii ka dib markii Mr Biden uu shaaciyay go’aankiisa.
Deeq bixiyayaasha dib ugala noqday dhaqaalihii ay ku bixin jireen walaaca laga qabo da'da Mr Biden ayaa sheegaya inay hadda doonayaan inay dib u bilaabaan taageeradooda xisbiga.
Xisbigu waxa uu ururiyey in ka badan 27.5 malyan oo doollar shantii saacadood ee ugu horreysay ololaha madaxweynaha ee Ms Harris. Tiradaasi waxay ku dhowaatay inay labanlaabto saacado kooban gudahood. 24 saac gudahood, lacagtaasi waxay jabisay rikoorkii dhaqaale ururinta ee madaxtooyada.
Lacagaha cusub ee xisbiga lagu harqinayo ayaa calaamad u ah tagaeerada xisbiga Dimuqraadiga, iyadoo laga dheehan karo dib ulaba kacleeynta deeq-bixiyeyaasha waaweyn ka dib niyad jabkii ay ka qaadeen dooddii uu dhawaan Mr Biden la galay Donald Trump, oo dadka qaar ay qabaan in ay u dhacday si aaney fileynin.