Ciidamada jooga Checpoints Muqdisho ayaa bilaabay arrin ay walaac ka miijiyeen bulshada ku nool Muqdisho
Ciidamada booliiska ee jooga checkpoint ga u dhaxeeya isgooyska dabka iyo Sayidka ayaa wado arrimo halis ku ah shacabka Muqdisho, iyaga oo taleefoonadooda gaarka ah sawir uga qaadaya taargada iyo wajiga qofka, taas oo aan la hubin halka ay u dirayaan.
Dadbadan ayaa arrintaasi ka cabanaya kuwaasi oo sheegay in Goobta lagu baarayo baabuurta ay ku xiran tahy kaamarooyinka CCTV kaameda loo yaqaano, taas oo ku filan sawirida qofka iyo baabuurkiisaba.
xildhibaano ka tirsan Barlamaanka ayaa arrintasi soo hadal qaaday
Xil. Yuusuf Gama'diid ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay Qatar weyn, wixii dhibaata ah ee ka yimaadana dowladaa masuuliyadaas qaadeysa