Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Israa’iil oo lagu qaaday weerarkii ugu dhimashada badnaa tan iyo 7-dii Oktoobar.

Israeli security forces and medics transport casualties along with local residents, at a site where a reported strike from Lebanon fell in Majdal Shams village in the Israeli-annexed Golan area on July 27, 2024. Israel's emergency medical service Magen David Adom said at least nine people were kille

Israa’iil ayaa soo saartay hanjabaad adag ka dib markii labo iyo tobban carruur iyo dhalinyaro isugu jira ay ku dhinteen tobbanaan kalana ku dhaawacneen gantaal ku dhacay garoon kubbadda cagta ah oo ku yaalla buuraha Golan ee ay Israa’iil haysato, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Israa’iil.

Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in gantaal ay soo rideen kooxda awoodda badan ee Xisbullah ee Lubnaan uu ku dhacay magaalada Druze ee Majdal Shams, sheegashadaas oo ay si adag u beeniyeen kooxda Xisbullah.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wacad ku maray in ay ka aargoosan doonaan Xisbullah, isaga oo sheegay in ay “ qiimo weyn ku bixin doonto”.

Dhacdadan ayaa waxa ay awood u leedahay in ay dhaliso dagaal dhan walba ah oo u dhexeeya Israa’iil iyo Xisbullah, kuwaas oo ciidamadoodu ay si joogto ah rasaas isu weydaarsadeen tan iyo markii uu qarxay dagaalka Israa’iil iyo Qaza bishii Oktoobar.