Abiy oo Erdogan ka aqbalay ilaalinta madax banaanida Somalia xili Fiqi oo Ankara u tagay wadahadalka Somalia & Itoobiya
Madaxweynaha Turkiga iyo Raisul Wasaaraha Itoobiya ayaa yeeshay wadahadal telefoon oo ay uga hadleen xariirka labadaas dal iyo Kiiska u dhaxeeya Addis Ababa iyo Muqdisho.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Turkiga, Itoobiya ayaa aqbashay inay ka fogaato dhammaan ficilo kasta oo dhaawacaya madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyada Soomaaliya.
Erdogan ayaa uga mahadceliyey talaabadaas Itoobiya oo uu sheegay inay Soomaaliya rajo galinayaan,
haddii ay arrintani xaqiiqo noqoto waxay ka dhigan tahay in Addis Ababa ay si cad uga laabatay damaceedii badda iyo heshiiskii ay la gashay Somaliland.
Xiriirkan telefoon ahaa ku soo aaday xili labada dal ay wareeg labaad oo wadahadalo ah ku yeelanayaan Turkiga kaasoo ka furmaya magaalada Ankara 12ka bishan oo ku beegan isbiita soo socota.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u kicitimay Turkiga si ay uga qeyb galaan wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u kicitimay Turkiga si ay uga qeyb galaan wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya
Wafdiga Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo ah Sabti u ambabaxay caasimadda dalka Turkiga ee Ankara.
Wafdigan ayaa casuumad rasmi ah ka helay Dowladda Turkiga, iyagoo matalaya Dowladda Soomaaliya, kana qeybgeili doonaa wareegga labaad ee wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya, kaasoo ay garwadeen ka tahay Dowladda Turkiga.
Wadahadalkan ayaa lagu wadaa in uu magaalada Ankara ka furmo maalinta Isniinta ah ee 12 August, 2024, kaasoo seddex todobaad horey looga soo dhigey waqtigii hore ee lagu ballansanaa.
Kulamadan ayaa looga hadlayaa Sidii meesha looga saari lahaa heshiiska Itoobiya la gashay Somaliland ee la isku dhaafsanayo dhul badeed iyo aqoonsi kaasoo ay ka carootay DF Somalia, rajo badana lagama qabo in wadahahadan ay ka soo baxaan wax natiijo ah.