Dowalda Itoobiya oo garoonka magaalada Godey, ka dhigeyso halka laga maamulo diyaardaha Drone
Taliyahaciidanka Itoobiya Jen, Berhanu Jula ayaa tagay magaalada Godey, halkaas oo maalmihii u dambeeyey laga waday balaarin iyo dibu dhis xoogan oo la xariira, sidii ay Milateriga Itoobiya dib uga howlgali lahaayeen garoonka diyaaradaha, maadaama uu horey u ahaa xarun milateri.
Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Milateriga Itoobiya, ayaa la qorsheynayaa in laga soo raro saldhigyada Bahar Dar iyo Debre Zeit ee Waqooyiga dalkaas, iyagoo la dhigayo garoonka Goday oo ay ka duuli doonaan, taas oo ka dhigan in dhinaca Soomaaliya loo jiheynayo, iyadoo aysan jirin faahfaahin dheeraad ah oo la bixiyey.
Garoonka Godey ayaa lagu bilaabay balaarin, dibu dayactir, waxaana lagu darayaa 1000Mitir, sabab la xariirta si ay diyaaradaha dagaalka u adeegsadaan, iyadoo Milateriga Itoobiya ay saldhigan doonaan.
Dhammaan qalabka laga hago diyaaradaha Drone-da nooca Turkiga ayaa laga soo raray magaalooyinka Bahar Dar iyo Debre Zeit, oo lageeyey markii uu socday dagaalkii Tigrey.
Dawladda Itoobiya ayaa diyaaradaha is wada (Drone-ta Turkiga) oo saldhigoodu horey u ahaa Waqooyiga dalkaas u wareejisay garoonka diyaaradaha ee magaalada Godey, waxaana halkaas maanta tagaya taliyaha u sareeya ciidanka Itoobiya Jen, Berhanu Jula iyo masuuliyiinta deegaanka Soomaalida.
Talaabooyinka, waxaa ka horeeyey in ay Milateriga Itoobiya ay dalbadeen in dhammaan xerooyinka Milateri ee kuyaala gobalka Soomaali Galbeed, ay dalbadeen in dib loogu cesho gacanta ciidanka Milateriga, oo horey uga baxay intii uu socday dagaalkii Tigrey, tan oo ka dhigan in ay Itoobiya u jiheysatay dhinaca Soomaaliya.