Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Kamala Harris oo Donald Trump ka badan Gobollada qaar ee Dalalka Maraykanka

Kamala Harris oo Donald Trump ka badan Gobollada qaar ee Dalalka Maraykanka

Sida caadada ah ee Dalka Maraykanka waxaa Ra’iyi Uruurin laga sii sameeyaa doorashada Dalkaas kahor inta aysan dhicin, waxaa lagu qiimeeyaa qaabka ay ugu kala badan yihiin taageerayaasha ku sugan Gobolladaas.

Ra’I Uruurintaan ayaa lagu shaaciyay in Kamala Harris ay ku horreyso kuna badan tahay taageerrada ay ka heleyso, taasi waxa ay keeneysaa in ay ku dhiirrato kordhinta loolankeeda adag ay ku wajahayso Donald Trump.

Gobollo badan oo ay ku badan yihiin Taageerayaasha Xisbiga Jamhuuriga ayaa la ogaaday in Dadka ku sugan ay u janjeeraan dhinaca Dimuqraadiga, waxa ay doonayaan in ay u codeeyaan Haweeneyda haatan Madaxweyne ku xigeenka ka ah Maraykanka.

Arrintaan waxa ay Dad badan soo xusuusisay Doorashadii uu sanadkii 2016kii la galay Hillary Clinton oo Gobollo badan oo ay ku tashanaysay uu uga adkaaday kuwaas oo lama filaan ku noqday Dadkii codeynayay iyo kuwii kor joogtada ahaa.