Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ganacsiga

DF oo xabsiga dhigtay Ma’suul ka tirsan Shirkadda Favor

DF oo xabsiga dhigtay Ma’suul ka tirsan Shirkadda Favor

Ciidanka Booliska Somalia ayaa xabsiga dhigay masuul sare oo ka tirsan shirkadda Favori LLC ee dalka Turkiga oo gacanta ku heysa maamulka garoonkaa dayuuradaha Aadan Cadde.

Ertugrul Karafiyeli oo ah madaxa shaqada iyo shaqaalaha ee shirkadda Favori ayaa lagu eedeeyey inuu waday anshax xumo ah oo uu doonayey inuu kulaco haween Soomaaliyeed.

Haween Soomaali ah oo ka howlgala shirkada ayaa dacwad ku soo oogay ninkan kuwaasoo sheegaya inuu ku rikaateeyey gogol dhaaf iney la sameeyaan hadii kale uu shaqada ka ceyrinayo

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa dacwad kusoo oogay Madaxa shaqada iyo shaqaalaha shirkadda Favori Ertugrul Karafiyeli ee maamulasha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Magaalada Muqdisho.

Ninkaan u dhashay Dalka Turkiga ayaa lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay sharciga shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya kaddib markii uu sameeyay anshax xumo, handadaad, xadgudub iyo tagrifal awoodeed oo uu ku sameeyay muwaadiniin Soomaali ah.

Dadkaan uu ku xadgudbay muwaadinkaan Turkiga ah waxa ay kamid ahaayeen shaqaalaha Shirkadda Favori, waxaa Maxkamadda kiiskaan loo gacangeliyay loo gudbiyay caddeymaha muujinaya dhammaan waxyaabaha lagu eedeeyay Karafiyeli.