Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Maxaa kasoo baxay kulamada RW Xamsa ee Dalka Maraykanka kula yeeshay Mas’uuliyiinta kala duwan?

Maxaa kasoo baxay kulamada RW Xamsa ee Dalka Maraykanka kula yeeshay Mas’uuliyiinta kala duwan?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo kamid ah Madaxda ka qaybgalaysa Shirka 79aad ee Qaramada Midoobay ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay mas’uuliyiin kala duwan sida Amiirka dhaxalka Dalka Kuwait leh.

Sheekh Khaalid Al-Hamad Al-Mubaarak ayaa bogaadiyay dhinacyada horumarka muuqda ay ka gaartay Soomaalida si Amniga, Siyaasadda iyo Dhaqaalaha, waxa uu ballanqaaday in Dowladdiisa ay dhinac taagan tahay Dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dhankooda Dowladda Carbeed ee Kuwait ku dhiirrageliyay sida dhiirran ay garab istaagga ugu muujisay Soomaaliya, waxa uu Sheekh Khaalid kula dardaarmay in uu sii kordhiyo howshaas uu hayo.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu fadhi gaar ah la yeeshay Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay Ambassador Linda Thomas-Greenfield oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Mareykanka.

Kulamada uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu Magaalada New York kula qaadanayo Madaxda kala duwan waxaa ku wehliya Wasiirro katirsan Xukuumaddiisa iyo Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.