Khudbaddii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, uu ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, New York.
Ra'iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay shirka 79-aad ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay gumaadka Itoobiya ee sida xun u saameeya nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Wuxuu ku celceliyay mabda'a ah "#? Qaranimada Soomaaliya ma gorgortami karo" wuxuuna carrabka ku adkeeyay sida hagar la'aanta ah ee Soomaaliya ay uga go'an tahay in ay dhowrto qaranimadeeda.
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale iftiimiyay caqabadaha caalamka ka jira, wuxuuna muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta iskaashiga iyo wada jirka beesha caalamka.
Waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay ilaalinta sharafta iyo amniga dhammaan ummadaha iyo bulshooyinka si loo sameeyo qaab-dhismeed caalami ah oo sinnaan iyo nabad ah. #UNGA #UNSC #AFRICANUNION #Arableague.