DEG-DEG:Qarax xoogan oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
Gaari walxaha qarxaha laga soo buuxiyey ayaa ku qarxay agagaarka maqaayad laga cuno Muufada oo kutaala dhabarka danbe ee guriga hooyooyinka.
Maqaayada la hordhigay gaariga ayaa waxaa lagu magacaabaa Geel-doox waana mid aad u mashquul badan.
Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.