Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wacad ku maray in Axmed Madoobe uusan sii joogi doonin Kismaayo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wacad ku maray in Axmed Madoobe uusan sii joogi doonin Kismaayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Axmed Maxamed Islaam Madoobe ku dhaliilay in uu ka gaabiyay wax u qabashada Dowlad-Goboleedka Jubbaland isla markaana uu dardargelinayo dagaal uu la galo Dowladda Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in sanadkii 14aad uu Axmed Madoobe u socdo muddada uu maamulayo Dowlad-Goboleedka Jubbaland balse uu ka caga-jiiday qabashada deegaannada ka maqan Maamulkiisa.