Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

DG Hir-Shabeelle oo xal u raadineysa xakameynta Dilalka la xiriira Aanooyinka

DG Hir-Shabeelle oo xal u raadineysa xakameynta Dilalka la xiriira Aanooyinka

Mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ku baxay xal u helista dilalka la xiriira aanooyinka ee muddooyinkii dambe kusii kordhayay deegaanno katirsan xadka ay wadaagaan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle Col. Xasan Dhicisoow Xasan oo ka hadlay amarka uu dul-dhigay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle kaddib falkii argagaxa lahaa ee lagu bartilmaameedsaday askar ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Ee Ku Sugnaa Duleedka Degmada Ceelbaraf Gobolka Sh.Dhexe.