Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Muxuu yajahaay Itoobiya mowqigkeeda arriamah howgalka cusub ee Soomaaliya

Muxuu yajahaay Itoobiya mowqigkeeda arriamah howgalka cusub ee Soomaaliya

Wakiilka u hadlay Itoobiya , ayaa u muujiyay ciidanka Itoobiya inay lama huraan u yihiin xasillinta Soomaaliya , wuxuu tilmaamay in kooxda AS ay isku fidinayso dalka illaa uu gaarsiiyay inay iskudayayaan inay isku ballaariyaan dhulka xeebaha Soomaaliya, natiijadana wuxuu markaa ku sheegay inay ugu dambeyn awood u yeelan karaan AS inay khalkhal galiyaan marinnada biyaha caalamiga ah, wali isagoo sharraxaya khatarta , wuxuu sheegay inuu jiro midow u dhaxeeya AS iyo Daacish. Wuxuu intaa ku daray; “ Waxaa hadda la joogaa marxalad xasaasi ah, beesha caalamka maalgelin badan ayay ku sameysay Soomaaliya, waana inaan maanta la khasaarin mirahaasi. Itoobiya waxay sii wadeysaa naf hurnimada ay ka sameysay Soomaaliya— Itoobiya way sii wadeysaa hawgalkeeda ka dib ATMIS… Itoobiya  waxay wada shaqeyn lasii wadeysaa Dawladda Federaalka Soomaaliya— Hase ahaatee waxaa jira dhinacyo saddexaad oo raba inay qas ka sameeyaan gobolka kuwaas oo aan wax saameyn ku lahayn gobolka, kuwaasi waa in loo sheegaa inay ficiladaas ka joogsadaan…!

Soomaaliya ayaa u muuqatay inay heysay , hadallada ay Itoobiya ka sheegi doonto kullanka, kaddib markii ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu hoos u dhigay khatarta ay soo bandhigtay Itoobiya , isagoo markaa caddeeyay inay Soomaaliya hubisay 11,000 ee askari ee muhiimka u ah howlgalka AUSSOM,  iyada oo loo marayo heshiisyo laba geesood ah oo la gaaray bishii November, tallaabadaas oo ka reebaysa Itoobiya howlgalka cusub.