Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Sanadka cusub ee 2025 oo ka curtay dalalkii ugu horeeyey

Sanadka cusub ee 2025 oo ka curtay dalalkii ugu horeeyey

Dalal ka tirsan caalamka ayaa bilaabay dagaaldegyo waaweyn oo lagu soo dhoweynayo sanadka cusub ee 2025ka oo wadamadii ugu horeeyey ka curtay.

Labada dal ee Australia iyo New Zealand oo ah dalalka ugu horeeyey ee sanadka cusub uu ka bilowday ayaa waxaa ka socda dabaaldegyo waaweyn.

Magaalooyinka Auckland iyo Sydney ayaa noqday meelihii ugu horeeyey caalamka ee looga dabaaldego sanadka cusub.

Kumanaan ruux ayaa waxaa ay isugu soo urureen jidadka magaalooyinkas iyagoo daawanaya muuqaalo kala gedisan oo cirka loo tuuray kuwaasoo iftiinkii habeenimo u bedelay maalin cad.

Magaalooyinka Yurub Boqolaal kun oo qof ayaa isugu soo baxay jidadka kuwaasoo sugaya saacadaha yar ee uga harsan saqda dhexe si ay ugu dabaaldegaan sanadka cusub.

Dhinaca kale Bisha Rajab , sannadka 1446 ayaa xalay dhalatay, inay bishan toddobaad tahay mid ka mid ah bilaha gaarka ah ee xurmada la siiyay, sidoo kale waxay inoo sheegaysa in 2 bilood ay inaga xigto bisha barakaysan ee Ramadaan. Rabbi nabad iyo caafimaad qab ha inagu gaarsiiyo bisha Ramadaan.