Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Waxaa la shaaciyay cidda gadaal ka riixeysa dagaal beeleedyada socda

Waxaa la shaaciyay cidda gadaal ka riixeysa dagaal beeleedyada socda

Qaar kamid ah gobolada dalka, waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay dagaalo salka ku hayay qabiil, waxaana dagaalladaasi ka dhashay khasaarooyin badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaarayay dhinacyada dagaallamayay.

Waxgaraadka Soomaaliyed  ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xlligan qeybo kamid ah dalka, gaar ahaan deegaannada maamulkiisa ay ka dhacaan dagaallo salka ku haya qabiil.

Iyagoo  ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyada meel kasta ay ka socdaan, waxa uuna dagaalladaasi ku tilmaamay in ay yihiin adduun iyo aakhirso seeg, waxa uuna ugu baaqay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka in ay xalliyaan dagaallada soo noq noqday.

Nabadoon Cumar Gaaboow oo ka mida waxgaradka gaaray beledweyne ayaanu ka wareysanay.