Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Desiree Doué oo si qosol leh uga jawaabay isbarbardhig lagu sameeyay isaga iyo Lamine Yamal

Desiree Doué oo si qosol leh uga jawaabay isbarbardhig lagu sameeyay isaga iyo Lamine Yamal

Xiddiga da’da yar ee reer France, Desiree Doué, oo ka tirsan kooxda Paris Saint-Germain, ayaa si kaftan leh uga jawaabay isbarbardhig lala sameeyay isaga iyo Lamine Yamal oo ka tirsan Barcelona, isagoo si cad u yiri: “Dabcan aniga ayaa ka fiican.”

Hadalkan ayaa yimid kadib muuqaal baraha bulshada lagu baahiyay, iyadoo Doué uu la hadlayay taageerayaal midkoodna weydiiyay cidda xirfad ahaan ka fiican – isaga mise Yamal. Doué, oo asal ahaan kasoo jeeda Ivory Coast, ayaa su’aasha uga jawaabay isagoo qoslayay.

Doué (19 jir) ayaa xilli ciyaareed cajiib ah la qaatay PSG, halka Lamine Yamal (17 jir) uu si weyn u iftiimay xilli ciyaareedkii 2024/25 ee Barcelona iyo xulka Spain.

Inkastoo hadalka Doué uu ahaa mid ay la socotay dhoolla-caddayn iyo kaftan, haddana wuxuu mar kale iftiimiyay tartanka dhallinyarada hibada leh ee Yurub, kuwaas oo lagu tilmaamayo hoggaamiyeyaasha cusub ee mustaqbalka kubadda cagta caalamka.