Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u beenisay sawir khariidad ah oo lagu baahiyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar, kaas oo abuuray caro iyo hadal heyn ballaaran, gaar ahaan maamul goboleedyada qaar.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in khariidadaasi aysan ka tarjumaynin aragtida siyaasadeed ee Wasaaradda, isla markaana aysan jirin wax siyaasad qaran ah oo uu saxiixay Wasiirka Caafimaadka oo ay ku jirto khariidaddan muranka dhalisay.
Wasaaraddu waxay caddeysay in sawirkaasi uu muujinayo aragtiyo aan rasmi ahayn, isla markaana uusan qayb ka ahayn qorshayaasha ama siyaasadaha caafimaad ee dalka.
“Waxaan ku boorinaynaa dhammaan warbaahinta in ay si taxaddar leh u baaraan macluumaadka ay faafinayaan, si looga fogaado warar khaldan oo saameyn xun ku yeelan kara bulshada,” ayaa lagu yiri warka Wasaaradda.
Khariidada la baahiyay ayaa lagu muujiyay in gobolka Mudug uu si buuxda ugu hoos tago maamulka Galmudug, halka gobollada Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle lagu daray Somaliland, taasoo meesha ka saartay Puntland iyo Khaatumo – arrin dhalisay muran siyaasadeed iyo dareen kacsan.
Wasaaraddu waxay xustay in ay masuuliyad ka saaran tahay in ay bulshada la wadaagto xogta saxda ah iyo horumarka dhabta ah ee la xiriira caafimaadka dalka.


