Cadaadiska Mareykanka oo Saameynaya Xiriirka BRICS
Hindiya ayaa joojisay iibsigii shidaalka ee ay ka heli jirtay Ruushka, si ay uga jawaabto digniintii uu hore u bixiyay Donald Trump oo ku baaqay in la joojiyo ganacsiga la leh Ruushka.
Warbixin ay daabacday Reuters ayaa arrintan ku tilmaantay tallaabo siyaasadeed oo ay Hindiya kaga jawaabayso cadaadis ka yimid Mareykanka.
Haddii Ruushku u arko in Hindiya ay ka leexatay madaxbannaanideedii siyaasadeed, taasoo ay sabab u tahay la tashi la’aan iyo raacitaanka Mareykanka, waxaa laga yaabaa in arrintaasi dhaawacdo xiriirka labada dal, isla markaana ay saameyn ku yeelato isbahaysiga BRICS oo ay labaduba ka tirsan yihiin.