Janan oo ka hadlay qabsashada Balad-xaawo baaqna u diray shacabka barakacay.
Ciidamada Dowladda Federaalka oo uu horkacayo C/rashiid Janan ayaa la wareegay xarumo muhiim ah oo ku yaala magaalada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, sida Saldhiga Booliska, Laanta Socdaalka, iyo Xarunta Degmada, kadib dagaal muddo ku dhow toban maalmood socday oo ay la galeen Ciidamada Jubbaland.
Waxaa dib loo soo celiyay adeegyadii isgaarsiinta iyo korontada oo hakad galay intii ay dagaaladu socdeen.
Janan ayaa ku booriyay dadka rayidka ah ee ka barakacay in ay is dejiyaan oo ay dib ugu soo laabtaan guryahoodii, isagoo carrabka ku dhuftay in xaaladda magaalada ay haatan tahay mid degan.