Talaado, 24 Nofembar 2026
Ganacsiga

Shirweynaha Horumarinta Mudug oo Galkacyo Lagu Soo Gaba-gabeeyey.

Shirweynaha Horumarinta Mudug oo Galkacyo Lagu Soo Gaba-gabeeyey.

Shirweynaha horumarinta gobolka Mudug oo socday labo maalmood ayaa maanta lagu soo gaba-gabeeyey magaalada Galkacyo, waxaana ka qaybgalay madax dowladeed, isimada dhaqanka, ganacsato, siyaasiyiin iyo qeybaha kale ee bulshada.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray baahiyaha horumarineed ee gobolka, ammaanka, maalgashiga, iyo wadashaqaynta bulshada iyo dowladda.

Waxaa la isla qaatay in la taageero dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada, iyo in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha sida garoonka diyaaradaha, waddooyinka, iyo horumarinta dekedda Garacad oo ay bulshada gobolka hormuudka u ahayd.

Shirkuna wuxuu sidoo kale soo jeediyey in si rasmi ah loo sameeyo guddi madax banaan oo baaritaan ku sameeya mashruuca laamiga Xarfo ilaa Galkacyo.