Ciidamada difaaca Puntland ee fadhigoodu yahay degaanka Kalabayr ee gobolka Bari ayaa xalay gacanta ku dhigay laba xubnood oo ka tirsan firxadkii Daacish, kuwaas oo ka cararay Hawlgalkii guuleystay ee Calmiskaad.
Saraakiil ka tirsan Hawlgalka Calmiskaad ayaa xaqiijiyay in labada nin oo ajaanib ah laga qabtay buuraha u dhaw Kalabayr. Xubnahan ayaa la rumeysan yahay inay ka mid ahaayeen kooxihii laga adkaaday intii uu socday hawlgalka ka dhanka ah Daacish ee ka dhacay gobolka Bari.
Wararka ayaa sheegaya in labada eedeysane loo gudbinayo Taliska Guud ee Hawlgalka Calmiskaad ee magaalada Boosaaso, halkaas oo baaritaan dhammaystiran lagu sameyn doono.
Ugu dambeyn, saraakiishu waxay sheegeen in raggan lagu wareejin doono Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland, si ay u wajahaan caddaaladda


