Fabrizio Romano oo sheegay in Sheekada Alexander Isak ee Liverpool aysan Dhamaan
Falanqeeyaha caanka ah ee suuqa kala iibsiga, Fabrizio Romano, ayaa shaaca ka qaaday in xiisaha Liverpool ee weeraryahanka Alexander Isak uu weli socdo, inkasta oo Newcastle ay si rasmi ah u diiday dalabkii ugu horreeyay ee Liverpool soo bandhigtay.
Romano ayaa sheegay in Newcastle ay si toos ah u diiday dalabka Liverpool, taasoo keentay warar sheegaya in Liverpool laga yaabo inay ka waantoobaan, laakiin kooxda Liverpool gudaha ayaa fahamsan in tani tahay bilowga suuqa kala iibsiga, isla markaana waqtigu weli ku filan yahay inay dalabyo kale sameeyaan.
Fabrizio ayaa intaas ku daray in heshiiska kaliya uu dhici karo haddii Newcastle ay hesho weeraryahan cusub oo bedel u noqon kara Isak, kadibna ay go’aansato inay fasaxdo xiddiga reer Sweden.
Dalabka Liverpool ee ugu horreeyay ayaa lagu qiyaasay inuu ahaa £110 milyan ilaa £120 milyan, halka Newcastle ay dalbaneyso £150 milyan oo ah qiimaha ay ku fasaxayso Isak.
Inkasta oo dalabkii hore la diiday, Liverpool weli kama quusan doonin heshiiska, waxayna sii wadi doonaan dadaalka suuqa kala iibsiga.