Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

NISA iyo Saaxiibada Caalamka oo Howlgal Lagu Beegsaday AS  Fuliyay Hiiraan

NISA iyo Saaxiibada Caalamka oo Howlgal Lagu Beegsaday AS  Fuliyay Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo si guul ah u dhacay ka fuliyay deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa lagu beegsaday guri ay ku shirayeen horjoogayaal ka tirsan AS kuwaas oo ku howlanaa abaabulka weerarro qorsheysan oo lagu waxyeeleyn lahaa dadka deegaanka.

Intii uu socday hawlgalku, waxaa la dilay siddeed xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad, kuwaas oo si toos ah bartilmaameed loogu ahaa.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo ka soo gaaray ciidamadii fuliyay hawlgalka.

NISA ayaa sheegtay inay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah AS si loo sugo amniga iyo xasiloonida dalka, iyadoo la kaashaneysa saaxiibada caalamiga ah ee taageera dagaalka ka dhanka ah argagixisada.