Xukun Dil Ah oo Lagu Riday Askari Ka Tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad
Dable Bol. Bakar Cabdicasiis Maxamed, oo ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, ayaa lagu xukumay dil toogasho ah kadib markii lagu helay inuu si ula kac ah u dilay muwaadin muruqmaal ahaa, Marxuum Cali Iskoow Daa’uud.
Eedeysanaha ayaa u dilay marxuumka isaga oo ku dooday “Maxaad iisoo fiirisay,” xilli ay ku dagaallameen wado u dhow Masjidka Cali Boolaay ee degmada Waabari. Kadib dilka, Bakar Cabdicasiis ayaa ku baxsaday mooto nooca Fekon ah.
Si kastaba, isla maalintii dhacdada, waxaa isaga kasoo qabtay hay’adaha ammaanka degmada Cabdicasiis.
Baaris dheer kadib, Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa codsaday in kiiska laga qaado, waxaana oggolaansho laga helay todobada iyo labaatankii bishii July.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, oo waqtiga ku filan siisay dhinacyada dacwadda, ayaa maanta xukuntay Bakar Cabdicasiis Maxamed dil toogasho ah oo qisaas ah, taas oo ah ciqaabta uu mudnaa dilkii Marxuum Cali Iskoow Daa’uud.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey xukunka.