Ciidamada Puntland oo Loo Diyaarinayo Inay Saldhig Cusub Ka Furaan Laasqoray si Looga Hortago AS iyo Daacish
Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa qorsheynaya in ciidamo katirsan kuwa badda ee loo yaqaan PMPF (Puntland Maritime Police Force) loo daabulo magaalada xeebeedka Laasqoray ee gobolka Sanaag, si halkaas looga dhiso saldhig cusub oo loogu talagalay in laga fuliyo howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab (AS) iyo Daacish.
Saraakiil ka tirsan ciidamada PMPF ayaa xaqiijiyay in ciidamadooda loo diyaariyay sidii ay ugu safri lahaayeen Laasqoray, iyadoo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, horay u sheegay in halkaas uu noqon doono wajiga labaad ee howlgallada looga hortagayo kooxahaasi.
Howlgal isku xiran ayaa la qorsheynayaa inuu ka bilaabmo magaalada Boosaaso, xarunta gobolka Bari, kadibna la ballaariyo ilaa Laasqoray oo ku taalla gobolka Sanaag. Ilo ku dhow ciidamada ayaa sheegay in howlgalkan, oo Puntland u bixisay magaca “Onkod,” uu gaari doono buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag.
Marka ciidamada ay saldhigga Laasqoray dhistaan, waxaa la filayaa inay fuliyaan howlgallo dhinaca dhulka ah oo lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee gobolka.
Tani waxay muujinaysaa dadaalka Puntland ee lagu xoojinayo amniga iyo la dagaallanka kooxaha nabadgelyada khatarta ku haya gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya.