Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Saxafiyiinta SMS Somalia oo maalinti labada si sharci daro ah ugu xeran Muqdisho.

Saxafiyiinta  SMS Somalia oo maalinti labada si sharci daro ah ugu xeran Muqdisho.

Waxaa maalintii labaad si aan waafaqsaneyn sharciga Dalka ugu xiran Haayadaha amniga gaar ahaan ciidamada booliska labo wariye oo ka tirsan Telefishinka SMS kuwaas oo kala ah Xuseen Ciise Maxamed iyo Cusmaan Cabdullaahi Carab.

Xarigaan sharci darrada ah ayaa ah mid si toos ah u khilaafaya dastuurka dalka iyo xorriyadda saxaafadda ee damaanad qaadaysa in wariyeyaashu si madax-bannaan shaqadooda u gutaan.

Illaa iyo hadda, lama soo bandhigin wax eed ah oo rasmi ah, mana la horkeenin maxkamad, taasoo sii xoojinaysa shakiga ku saabsan ujeedada xarigooda.

Waxaan si adag u cambaaraynaynaa Mar kale xariggan sharci darrada ah, waxaanan ugu baaqaynaa hay’adaha amniga iyo dowladda dhexe in si degdeg ah xorriyadooda loogu soo celiyo Xuseen Ciise Maxamed iyo Cusmaan Cabdullaahi Carab, loona joojiyo caburinta lagu hayo warbaahinta madax-bannaan.