Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Thabit Cabdi oo Cambaareyay xariga wariyaasha SMSTV

Thabit Cabdi oo Cambaareyay xariga wariyaasha SMSTV

Duqii hore ee Muqdisho Thabit Cabdi oo Xasan Shiikh ku yiri “Baroorta dadka masaakiinta aa dhulkoodii ka burburisay ma qarsoomeyso, xitaa haddaa xirto dhammaan weriyeyaasha soo tabin lahaa”.

Aqriso.
Madaxweynow duminta dhulka danyarta daa, daadinta marasta daa, dalkii iyo dadkii aad u dhaaratay dayaca ka daa.

Danyarta baroortooduna marna lama dabooli karo xitaa haddii la xabiso wariyihii xogta soo gudbinayay.

Dadku waa markhaati, xisaabna waa dambeyndoontaa.