Monday, July 27, 2026
HomeWARARKADeg-Deg:Saxafiyintii SMS oo dib u helay xuriyadooda.

Deg-Deg:Saxafiyintii SMS oo dib u helay xuriyadooda.

Waxaa goor dhaw dib u helay xuriyadooda saxafintii dhawan ciidamada police ay ka xeren xarunta Telefeshinka SMS Somali

Maamulka SMS Somali TV ayaa sheegay in wariyaashu hadda xor yihiin oo ay dib ugu laabteen shaqadoodii, isagoo uga mahadceliyay bulshada caalamka iyo hay’adaha u dooda xuquuqda suxufiyiinta ee ka qeyb qaatay dadaallada lagu sii daayay.

Ururka Suxufiyiinta madaxbanaan ee Soomaaliyeed iyo bahda warbaahinta Muqdisho ayaa sidoo kale soo dhaweeyay sii deyntooda, iyagoo ku tilmaamay tallaabo horumar leh oo loo qaaday dhanka ilaalinta xoriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta.

Weli lama shaacin sababta rasmiga ah ee loo xiray wariyaashan, hase yeeshee ilo-wareedyo madaxbannaan ayaa sheegaya in xarigooda la xiriiray warbixin ay ka soo duubeyn xildhibaano ka cabanayo dhul boob muqdisho oo si adag u taabanaysay arrimo burburinta dhulaalka

SMS Somali TV waa mid ka mid ah warbaahinada madax-bannaan ee ka howl gala gudaha Soomaaliya, iyadoo marar badan wajahday cadaadis iyo cabsi gelin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments