Labo wariye oo ka tirsan Telefishinka SMS Somali TV ayaa weli maalintii saddexaad si aan sharciyad ahayn ugu xiran ππ’π’πππ¦πππ ππ¨π¨π₯π’π’π¬π€π ππ¨π¨π¦πππ₯π’π²π.
Labo wariye oo ka tirsan Telefishinka SMS, Xuseen Ciise Maxamed iyo Cusmaan Cabdullaahi Carab, ayaa maalintii saddexaad si aan waafaqsanayn sharciga ugu xiran ciidamada booliska.
Xariggan sharci darrada ah wuxuu si cad uga hor imaanayaa dastuurka dalka iyo xeerarka dammaanad qaada xorriyadda saxaafadda. Ilaa iyo hadda, eed rasmi ah laguma soo oogin wariyeyaasha, mana la horkeenin maxkamad, taasoo dhalinaysa walaac ballaaran oo ku saabsan sababta dhabta ah ee xarigooda.
Maamulka SMS Somali TV wuxuu cambaareyneynaa xariggan aan sharciga waafaqsanayn, waxaana ugu baaqeynaa hayβadaha amniga iyo Madaxda sare ee dowladda federaalka inay si degdeg ah xorriyaddooda ugu soo celiyaan, islamarkaana ay joojiyaan cadaadiska ka dhanka ah warbaahinta madax-bannaan.
Taliyaha Baraha Koontoroolada Ciidanka Booliiska ahna Taliyaha Howlgalada Gaashaanle dhexe πππππ’ πππ₯π’ Ciidan uu hogaaminayo ayaa albaabka telefashinka ka watay wariyaashan oo xili shaqo ay ka soo laabteen.