Yair Netanyahu, oo ah wiilka uu dhalay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa si cad u weeraray dowladda Qatar, isagoo ku eedeeyay inay tahay awoodda ugu weyn ee ka dambeysa “mowjadda nacaybka Yuhuudda iyo Israa’iil” ee caalamka ku faafeysa.
Yair ayaa baraha bulshada ku faafiyay fariin uu ku sheegay in Qatar ay tahay “xoogga ugu weyn ee ka dambeeya mowjadaha aan hore loo arag ee nacaybka Yuhuudda iyo Israa’iil dunida oo dhan,” isagoo is barbar dhigay xaaladda maanta jirta iyo nacaybkii Yuhuudda lagu hayay xilligii 1930-meeyadii iyo 1940-meeyadii ee Nazi-ga Jarmalka.
Weerarka hadal ee uu Yair Netanyahu ku qaaday Qatar ayaa gaaray heer shaqsi ah, isagoo si toos ah u weeraray Amiirka dalkaasi, Tamim bin Hamad Al Thani, iyo hooyadiis Sheikh Moza bint Nasser Al-Missned. Wuxuu labadoodaba ku sifeeyay inay yihiin “Hitler iyo Goebbels-ka casriga ah,” isagoo Qatar ugu yeeray “Naziga Jarmalka ee maanta.”
Hadalka Yair ayaa dhaliyay falcelin adag, iyadoo loo arko mid sii hurinaya xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa isir-naceybka ah ee ka jira gobolka iyo caalamka intiisa kale.
Qatar ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha culus ee ka yimid wiilka Netanyahu.
Waxaa la xasuustaa in Qatar ay martigeliso xarunta siyaasadda ururka Xamaas, taasoo ay Israa’iil si weyn uga cawdo, inkasta oo Qatar sidoo kale door ka ciyaartay dhexdhexaadinta xabbad-joojinno kala duwan oo u dhaxeeyay Israa’iil iyo Xamaas.


