Florentino Perez oo Si Weyn Ugu Harsan Saxiixa Rodri ee Manchester City
Madaxweynaha Real Madrid, Florentino Perez, ayaa si weyn u doonaya inuu kooxda keeno xiddiga khadka dhexe ee Manchester City, Rodri, sida uu sheegay wargeyska Cadena Ser.
Perez ayaa lagu soo warramayaa inuu diyaar u yahay inuu shaqsi ahaan hoggaamiyo wadahadallada lagu keeni karo xiddiga reer Spain garoonka Bernabeu, isagoo u arka Rodri mid muhiim u noqon kara mustaqbalka khadka dhexe ee Real Madrid.
Si kastaba ha ahaatee, saxiixa Rodri ma sahlanaan doono, maadaama uu heshiis kula jiro Manchester City ilaa sanadka 2027, halkaas oo uu sidoo kale ka yahay xubin lama huraan u ah kooxda Pep Guardiola.
Warbixintu waxay xustay in Manchester City aysan si fudud u oggolaan doonin xitaa wadahadal arrintan la xiriira, hase yeeshee, dadaalka Perez ayaa lagu tilmaamay mid aysan sahlaneyn in la iska celiyo.