Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

UEFA oo Ganaax Lacageed Ku Riday Barcelona Sababo La Xiriira Dhaqankii Taageerayaashooda Kulankii Inter Milan

UEFA oo Ganaax Lacageed Ku Riday Barcelona Sababo La Xiriira Dhaqankii Taageerayaashooda Kulankii Inter Milan

Xiriirka Kubadda Cagta Yurub ee UEFA ayaa ganaax lacageed dhan €7,750 ku riday kooxda Barcelona, kaddib markii ay taageerayaashu sameeyeen falal anshax-darro ah intii uu socday kulankii ay la yeesheen Inter Milan.

Barcelona ayaa lagu ganaaxay €5,250 kadib markii taageerayaal garoonka kusoo tuureen walxo kala duwan oo carqaladeeyay ciyaarta, isla markaana ay dad badan dhibsadeen.

Sidoo kale, UEFA ayaa ganaax kale oo gaar ah oo dhan €2,500 ku soo rogtay kooxda, sababtoo ah isticmaalka qalabka qarxa ee iftiinka sameeya (pyrotechnics) ee lagu arkay qaybo kamid ah taageerayaasha kooxda.

Ganaaxyadan ayaa muujinaya sida UEFA ay uga go’an tahay in si adag loo dhaqan geliyo xeerarka anshaxa ee tartamada Yurub, si loo sugo amniga iyo kala dambeynta garoomada.