Sababta Rasmiga Ah Ee Man United, Arsenal Iyo Chelsea Uga Hareen Saxiixa Victor Osimhen
Halyeeyga kubadda cagta Nigeria, Sunday Oliseh, ayaa shaaca ka qaaday sababta ay kooxaha waaweyn ee Yurub uga baaqdeen saxiixa weeraryahanka Victor Osimhen xagaagan, inkasta oo uu jiray xiise ballaaran.
Osimhen, oo 26 jir ah, ayaa lala xiriiriyay kooxaha waa weyn ee Premier League sida Chelsea, Manchester United, iyo Arsenal, iyo sidoo kale Paris Saint-Germain oo ka ciyaarta horyaalka Faransiiska. Si kastaba ha ahaatee, dalabka kaliya ee dhab ah wuxuu ka yimid kooxda Al Hilal ee Saudi Arabia—balse Osimhen wuu diiday.
Ugu dambeyntii, weeraryahanka reer Nigeria ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Galatasaray oo ka dhisan Turkiga, isagoo kaga yimid Napoli lacag dhan €75 milyan, kaddib markii uu xilli ciyaareedkii hore amaah ugu ciyaaray isla kooxdaasi.
Oliseh oo ka hadlay muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee kooxaha Yurub uga niyad jabeen Osimhen ay tahay kharashka aadka u badan ee lagu heli lahaa.
“Qiimaha dhabta ah ee lagu heli karay Osimhen wuxuu gaarayay €187 milyan,” ayuu yiri Oliseh, isagoo faahfaahinaya. “Mushaharka saafi ah ee ciyaaryahanku waa €15 milyan sanadkii, marka canshuurta lagu daro wuxuu noqonayaa qiyaastii €28 milyan.
Haddii afarta sano loo xisaabiyo, mushaharka kaliya wuxuu noqonayaa €112 milyan, marka lagu daro €75 milyan oo Galatasaray bixisay, wadarta guud waxay gaaraysaa €187 milyan.”
Oliseh wuxuu carrabka ku adkeeyay in tani ay ahayd caqabadda ugu weyn ee hor taagneyd kooxaha doonayay Osimhen.
“Tani waxay ahayd caqabad adag oo ka hor istaagtay kooxaha inay si dhab ah u dhaqaaqaan,” ayuu sii raaciyay.
Inkasta oo qiimihiisu sareeyay, Galatasaray ayaa si buuxda u dhamaystirtay heshiiska, iyagoo rajeynaya in Osimhen uu kooxda ku hoggaamin doono hanashada horyaalka Turkiga iyo guulo ka gaarista tartanka UEFA Champions League.
Heshiiska Osimhen ayaa hadda ka mid ah kuwii ugu qaalisanaa ee abid ka dhaca kubadda cagta Turkiga.