Shirkii u dhaxeeyay Madaaxayne. Xassan Shiikh iyo Madaxda Mucaaradka ayaa mar 5-aad dib u dhacay, iyada oo uu madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud uu qabsaday 13 ka bisha oo ku began maalin Arbaco ah.
Madaxwaynaha ayaa soo bandhigay tanasul aan u cuntamin madaxda mucaaradka, kaas oo ahaa in qaar ka mid ah cutubka afaraad ee dastuurka uu ka tanasulay.
Madaxda mucaaradka ee la baxay golaha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa danaynaya in madaxwaynuhu si buuxda uga laabto dhamaan qodobadii uu wax ka badalay 2 sano ka hor.
Teamka Madaxwaynahaa ayaa sheegay in qaar ka mid ah saaxiibadii ay wali ku diidan yihiin tanasulka qaar, waxaana ay dalbadeen in waqti la siiyo.
Waxaa kale oo ùu madaxwaynuhu dalbaday in aan la soo saarin wax warmurtiyeed ah, taas oo iyadana lalga aqbalay.
Waxaa la arki doonaa wixii ka soo baxa shirka arbacada.
Wixii faahfaahin intaa dheer kala soco SMS Somali TV Smssomalitv.com


