Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Sidee AS ku heshay gantaalka Al-Yassin ee Xamaas adeegsato?

Sidee AS ku heshay gantaalka Al-Yassin ee Xamaas adeegsato?

Gantaalka Al-Yassin oo ah gantaalkii ugu horreeyay ee ka hortaga gaadiidka gaashaaman sida taangiyada casriga ah ee ay soo saartay Xamaas ayaa ka mid ahaa hubka ay ciidamada Soomaaliya ka soo furteen Al shabaab intii lagu guda jiray howlgalkii dhawaan ka dhacay Bariire.

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida uu hubkan khatarta ah ugu dhacay gacanta Al shabaab, maadaama uu yahay gantaal awood sare leh oo loogu talagalay in uu jebiyo baabuurta dagaalka, taas oo khatar weyn ku ah ciidamada iyo shacabka haddii ay kooxahan adeegsadaan.

Dagaalyahana Falastiin hubkaan ma soo dhoofin sababtoo ah ma haystaan meel ay marsiiyaan balse waxa ay u badan tahay in Xuutiyiinta ama Iran lagu farsameeyay ka dibna kooxdu soo dhoofsatay.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa horay u sheegay xiriirka ka dhexeeya Al shabaab iyo Xuutiyiinta, labada  dhinac ma aysan beenin jiritaanka xiriirkooda